Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Rw Xamse: Marnaba raali ka ahaan mayno doorasho horseeda burburka Puntland

Rw Xamse: Marnaba raali ka ahaan mayno doorasho horseeda burburka Puntland

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku eedeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, inuu mas’uul ka yahay fashilka ku yimaada barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha oo ay tahay markii ugu horreysay oo uu arrimaha Puntland si adag uga hadlo, waxa uu sheegay in aysan marnaba raali ka noqon doonin in la fashiliyo geeddiga dheer ee loo soo galay daynta cafinta.
Mr.Xamse ayaa sheegay fashilka kaste oo ku yimaada dayn cafinta inuu mas’uul ka noqonayo madaxweynaha Puntland, isagoo ugu baaqay madaxweyne Deni in arrimaha dayn cafinta uusan siyaasad soo dhex gelin.
Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka Puntland, ayaa caddeeyay in Dowladda federalka aysan marnaba raali ka ahaan doonin doorasho horseeda burbur ku yimaada Puntland.
“Waxaa fiican inay dadku is doortaan oo doorasho xor ah la aado, Laakiin ka warrama haddii ay keenayso burburka Puntland, Waa in sidii lagu soo caano maalay lagu socdaa, oo wax lawada oggol yahay lala yimaadaa, haddii kale maya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse.
Xamse ayaa sheegay in aysan gorgortan ka geli doonin in dagaal laga rido Puntland oo nabad galyadeeda iyo jiritaankeeda lagu xadgudbo.
Waxaa uu ku baaqay in odayaasha dhaqanka talada dib loogu celiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments