Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah Al-Shabaab islamarkaana saamayn ku yeelanaya deegaanada ay ku sugan yihiin ee gobolka Hiiraan.
Waxaa uu guddoomiye Cali Jeyte digniin u diray gaadiidka ka shaqeeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee u dhexeya magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ka mid ah goobaha ay gobolkaasi wali kaga harsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiye Jeyte ayaa amar ku bixiyay in Maanta ka dib aanan la ogolayn gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal sida oo u safraya deegaanada ku yaalla hareeraha wabiga Shabeelle ee u dhexeya Beledweyne iyo Buulaburte oo Shabaabku ku sugan yihiin.
Waxaa uu sheegay in gaarigii lagu arko ama la qabto isagoo deegaanadaasi u raran si buuxda ay ula wareegi doonaan baaburka iyo wixii saaran ciidanka dowladda oo uu ka mid noqonayo hantida dowladda sharcigana la marsiinayo cidii aan amarkan u hoggaamsamin.




