Somaliland oo dil toogasho ah ku xukuntay askari dil gaystay

0
300

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka Milateriga jamhuuriyadda Somaliland ayaa Maanta dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmad Cabdi Cabdullaahi oo Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo dil bareer ah ka gaystay.
Eedeysane Dable Axmad Cabdi ayaa dilay Taliye Khadar Maxamad Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, waxaana falkaasi ka dib gacanta ku dhigay ciidanka Somaliland ee aagaasi ku sugan oo xabsiga dhigay.
Maxkamadda Ciidanka Milateriga Somaliland ayaa askariga dilka gaystay ku heshay dambiga dilka ah oo uu gaystay, islamarkaana waxay ku ridday xukun dil toogasho ah.
Fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa ehelada Marxuumka.
Eedeysane Dable Axmad Cabdi ayaa la sheegay inuu u dilay Taliye Khadar Maxamad Caynaanshe sabab la xiriira muran soo kala dhex galay, kaas oo keenay inuu dilka gaysto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here