Kulankii baarlamaanka Soomaaliya oo dib loo dhigay

0
378

Maanta ayaa loo balansanaa inuu Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka qabsoomo Kulanka Golaha Shacabka oo aad loo hadal hayay, hayeeshee kulankaas dib loo dhigay.
Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh C/raxmaan ayaa Ajandayaasha Kulanka Maanta loo balansanaa ku sheegay Caabuqa COVID10 iyo u Codeyn 2 xubnood oo ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha,balse xalay xilli dambe ay shaaciyeen in kulanka dib loogu dhigay Maalinta Arbacada ah ee toddobaadkaan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in sababaha dib loogu dhigay Kulanka ay tahay kadib wada-hadallo Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed ay la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo cadaadis ka yimid qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo ka cabsi qabay in khalalaase siyaasadeed uu dhaco.
Qaar kamid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa sheegay in ujeedka Kulanka Golaha uu yahay in muddada loo kordhiyay hay’adaha dowladda, kuwaasoo Sabtidiii baajiyay Kulanka, hayeeshee Guddoonka Golaha Shacabka uu muddo 5 Kulan ah sheegay inaysan ka qeyb geli Karin 15 mudane, kuwaasoo Go’aankaas qaadacay ayaguna.