Golaha wasiirrada Puntland oo ansixiyey in maamulkaasi uu yeesho 5 xisbi

0
154

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.
Xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in shirka golaha wasiirrada xalay looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Amniga, dib-u-dejinta ardeyda ay saameysay xaaladda Sool iyo Suudaan, Dardargelinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo soo jeedinta balaarinta Xisbiyada Siyaasadda , warbixinta xaaladda Gaadiidka Dowladda iyo curashada Roobabka gu’ga.
Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyagoo tixgelinaya dalabka Ururada Siyaasadda ee ahaa in la badiyo tirada Ururada u gudbaya Xisbiyada Siyaasadda, Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo Xisbiyada Siyaasadda 5 Xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi, waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh Goluhu u ansixiyey loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here