Hay’adda World Vision ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay weli sarreeyaan kiisaska la xiriira tacaddiga jinsiyadeed ee (GBV) ee gudaha dalka.
Dhacdooyinka ugu badan ayaa ah khilaafka qoyska , kufsiga ,gudniinka fircooniga iyo gabdhaha oo xilli hore la guursado.
Waxaa warbixinta ku xusan in xadgudubyada jinsiyadeed uu inta badan saameeyo haweenka marka loo barbardhigo ragga.
Dhanka kale daraasaadka caafimaadka iyo tirada ee dalka (KDHS) ayaa muujinaya in ugu yaraan boqolkiiba 40 ee haweenka ay la kulmaan xadgudub jinsiyadeed iyo mid galmo.