William Ruto oo lagu cadaadinaya inuu is casilo

0
527

Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ee ku aaddan inuu xafiiska baneeyo.
Dhawaan ayay ahayd markii siyaasiyiinta xisbiga ANC ay sheegeen inay baarlamaanka u gudbinayaan mooshin ka dhan ah Ruto hadii uunan is casilin.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka bartamaha dalka ayaa baaqan oo kale u jeediyay hoggaamiyaha labaad ee Kenya.
Guddoomiyaha xisbiga KANU ee ismaamulka Kirinyaga John Ngure ayaa sheegay in la joogo xilligii Ruto uu si rasmi ah ugu biiri lahaa mucaaradka.
Gladys Chania oo xubin ka ah haweenka KANU ee ismaamulka Kiambu ayaa dhankeeda madaxweyne ku xigeenka dalka iyo xulafadiisa siyaasadeed xusuusisay inay xilalka ay hayaan ku guulaysteen ka dib taageero uu u fidiyay madaxweynaha wadanka.
Ruto ayaa lagu dhaliilay inuusan daacad u ahayn madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo uunan si buuxda ugala shaqeyn fulinta mashaariicda horumarineed.
Sidoo kale waxaa lagu dhaliilay mowqifka uu ka qaatay geeddisocodka sharci beddelka ee BBI iyo hadalkii madaxweynaha ee ahaa in talada wadanka ay meerto noqoto.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaan weli dhankiisa ka jawaabin baaqyada loo jeedinaya iyo cadaadiska lagu saaraya inuu is casilo.