Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shalay dib ugu laabtay wadanka ka dib cumro uu soo gudanayay ayaa sheegay in sanadkan Al-Shabaab laga cirib tiri doono dalkaasi.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu ra’iisul wasaare Xamse ku sheegay in intii uu cumrada ku guda jiray uu dalka iyo shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryey inuu u siyaadiyo nimcooyinka uu Eebbe ku galladay oo ay ugu horreyso midnimada iyo muwaafaqadda ay shacabka iyo Dowladduba ka yeesheen iska xoreynta iyo dabargoynta Al-shabaab muddo kooban guud ahaan dalka.
“Innaga oo ka ambaqaadayna yoolka Xukuumadda DanQaran, Sannadkani waxaan xaqiijin doonnaa guulo waaweyn oo ay kamid yihiin xoreynta iyo ciribtirka Khawaarijta” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.
Waxaa uu intaasi ku daray in sidoo kale laga shaqeyn doono dhameystirka barnaamijka deyn cafinta oo heer gabo-gabo ah maraaya iyo qabyo-tirka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee dalka.
Waxaa uu dhanka kale Xamse Cabdi Barre dadka soomaaliyeed ku amaanay dhiirigelinta, garab istaagga iyo taakuleynta halyeeyada ciidammada qalabka sida oo hormuud u noqday howllaha dib-u-xoreynta dalka iyo ciribtirka argagixisada.