DHAGEYSO:Madaxweyne Deni oo dowladda Federaalka ku eedeyay inay ka gaabisay kaalinteedii Laascaanood

0
273

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka qeybgalay kulan loogu mahadcelinayay Gudiyadii Urur Siyaasadeedka KAAH u qaabilsanaa soo xulidda musharixiinta Goleyaasha deegaanka ugu tartamaya Ururka Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Puntland ayaa dhaliil u jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in dowladda sare ay ka gaabisay kaalintii kaga aadanayd wax ka qabashada dhibaatooyinka ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool isagoo dhanka kale baaq u diray maamulka Soomaaliland.