Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada.
Waxaa kulanka lagu magacaabay guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan.
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Abshir Cumar Jaamac ayaa warbixin shirka ka siisay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Suudaan oo maalmihii ugu danbeeyey ay hareeyeen colaado sokeeye.
Waxaa uu wasiirku sheegay in ay Wasaaraddu xiriirro kala duwan la samaysay dibloomaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu tallaabaan, isla markaana ay xuduudaha Suudaan ka howl galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isu socodka.
Xubnaha guddiga la magacaabay ayaa ka kooban:-
1. Mudane Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Guddomiye
2. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida – Xubin
3. Mudane Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta -Xubin
4. Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare -Xubin
5. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka- Xubin
6. Mudane Dr Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada -Xubin
7. Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha – Xubin
8. Mudane Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska -Xubin
9. Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta- Xubin
10. Mudane Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha -Xubin
11. Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha- Xubin
12. Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergayga arrimaha xuquuqda soo-galootiga -Xiriiriye.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa faray guddiga in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howlgalaan soo samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Suudaan.