DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go’aanka Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma

0
1195

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay fajac ku noqotay Go’aanka dowladda Kenya ay mudada 14-ka Maalmood ugu qabatay in la dejiyo qorshihii lagu xiri lahaa Xeryaha Qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xilgaarsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Dowladda isku qaldeyso arrimaha siyaasadda ee kala dhaxeysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Arrimaha bani’aadanimada.
Wasiirka oo Wareysi siiyay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Qaxootigaas Soomaalida ah ay sharciyad ku joogaan Xeryahaas, islamarkaana dowladda Kenya ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ka hesho Mallaayiin Doolar.

Dowladda dalkani Kenya ayaa hay’adda qaramada midoobay ee u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR u qabatay muddo 14 maalmood ah si ay ula yimaadaan qorsha lagu xirayo xeriyaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma.
Kenya ayaa sababta loo xirayo xeriyahaas ku sheegtay inay salka ku hayso arrimo amni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here