Alle ha u naxariistee waxaa magaaladatan Naiorobi ku geeriyootay Raxmo Maxamuud Gacal oo ahayd xaaskii madaxwaynihii hore ee dalka Soomaaliya Cali Mahdi Maxamad.
Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal ayaa dhawanahaan ku xanuunsanayd Isbitaal ku yaalla magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Waxaana maalmihii ugu dambeeyay laga dayrinayay xaaladdeeda caafimaad.
Dhawaan ayay ahayd markii uu geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamad ee ahaa seygeeda, waxaana uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla caasimadda dalka ee Nairobi.