Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka go’an tahay in la dhameeyo khilaafka kala dhexeya Puntland

0
299

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeya maamulka Puntland.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmad Macalin Fiqi oo wareysi siiyay wargeyska The East African ee ka soo baxa dalka Tanzania, ayaa sheegay in kalsooni uu ku qabo in xal nabadeed  lagu gaari doono wada xaajood iyo hab iskaashi.
“Puntland waxay xubin muhiim ah ka tahay Dowlad-goboleedkayaga Federaalka ah (FMS) waxayna mar walba door muhiim ah ka ciyaartaa Hannaanka siyaasadda dalka iyo soo kabashada qarannimada Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi oo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedhahay doorka Puntland ee Soomaaliya.
Qodobbada ugu waaweyn ee khilaafka u dhexeya dowladda Federaalka iyo Puntland waxaa ka mid ah dastuurka iyo dhameystirka hannaanka federaalaynta Soomaaliya, iyadoo uu wasiir Fiqi ku adkeystay mid ka mid ah siyaabaha ugu waxtarka badan ee wax looga qaban karo arrimahaas  inuu yahay wada hadal iyo sidoo kale in la ilaaliyo mudnaanta dowladda oo ay tahay dhameystirka Dastuurka iyo qaabka federaalka.
Shir dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxaa loo xil saaray madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed xallinta khilaafka dowladda federaalka iyo Puntland, inkastoo aysan wali si rasmi ah u billaaban dadaallada, haddana waxaana la filayaa inay billowdaan bisha Ramadaan ka dib.
“In kasta oo lagu kala aragti duwan yahay, haddana dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay la hadasho Puntland mas’uuliyiinteeda, waxaana rumeysannahay in wada-shaqeyn iyo isu-tanaasul ay lagama maarmaan tahay si aan u gaarno hadafkeenna Qaran,” ayuu yiri wasiir Fiqi.