Madaxda maamullada Soomaaliya oo kulamo yeeshay

0
648

Kulamo xal looga raadinayo muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa ka socdaa Magaalada Muqdisho, kuwaaso dhexmaray xubnaha beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah madaxda Maamul goboleedyada.
Xalay waxaa Magaalada Muqdisho shir ku yeeshay Hogaamiyeyaasha shanta maamul goboleedyada Soomaaliya waxayna diirada ku saareen Arimaha Doorashooyinka.
Shirkan ayaa ah kii u horreeyay ee Maamul Goboleedyadu wadajir ah isugu yimaadaan tan iyo markii dhammaantood ay gaareen Magaalada Muqdisho.
Wararka ay Warbaahinta Heshay ayaa sheegaya in Hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ay sheegeen in sababta ay ugu qeyb geli waayeen shirkii maalmahaan u socda madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda Maamul goboleedyada ay tahay cabasho ay ka qabaan habka uu wax u wado madaxweyne Farmaajo.
Wararka ayaa intaas ku Daraya in Deni iyo Axmed Madoobe ay soo jeediyay in Ciidamada dowladda gabi ahaanba laga saaro xerada Afisyooni, islamarkaana amniga lagu wareejiyo Ciidamada AMISOM.
Qodobada kale ay ku doodeen ayaa waxaa ka mid ah sida warbaahinta gudaha Soomaaliya Daabacayso in laga heshiiyo jadwalka shirka, islamarkaana madaxweyne Farmaajo uusan shir guddoomin kulanka, lana helo qof damaanad qaada fulinta waxyaabaha lagu heshiiyo.
Shirkaan ayaa ahaa mid aan xalay loo kala kicin ayna ku wada sugnaayeen madaxweyneyaasha maamulada Galmudug Koofur Galbeed, Hirshabelle Puntland iyo Jubbaland,.
Wararka shirkaas laga helayo ayaa sheegaya in madaxda ay ku balameen in kulan kale ay galabta isugu yimaadaan, si loo sii wado wadahadalada xalka looga raadinayo dhameynta muranka hareeyay doorashooyinka Soomaaliya ee sababay dib u dhaca Doorashada.
Dhanka kale Xunaha Beesha Caalamka ayaa wado dadaalo lagu dhameynayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, islamarkaana miiska wadahadalka la isugu keeno madaxda dowladda dhexe ee Federaalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Maalmaha soo Socda ayaa la filayaa in madaxda Soomaalida ay shir xal looga gaarayo khilaafka doorashooyinka ku yeeshaan magaalada Muqdisho kaasoo ay Beesha Caalamku ka soo shaqaysay.
Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Shiinaha ayaa looga hadlay khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya
Warka ka soo baxay dowlada Shiinaha ayaa waxaa lagu yiri Dowladda Shiinaha waxay taageertay mowqofkii DFS ee ahaa in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay dal madaxbannaan oo aan marnaba aqbali karin fara-gelin shisheeye.
Sidoo kale Dowladda Shiinuhu waxay caddaysay inay ixtiraamayso madaxbanaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ku taagan mabda’a ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here