Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ka billowday Soomaaliya

0
264

Wajiga labaad ee howlgllada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si rasmi ah uga billoowday deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya.
Howlgallada qaar oo ka billowday Koonfurta Beledweyne waxaa iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda, waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in marka ay soo afjaraan howlgallada haatan ay ka billaabeen deegaanada dhaca Koonfurta Beledweyne ee ku yaalla hareeraha wabiga Shabeelle, inuu xigi doono howlgalka deegaanada ku yaalla Galbeedka Hiiraan.
Dhanka kale warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka xoogga dalka ay saaka Al-Shabaab kala wareegeen Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay wixii markaan ka dambeeyana loo gudbi doono deegaanada kale ee ay ku suganyihiin Al-Shabaab.