Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa saaka wadanka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay afar cishe oo uu ku tagay dalalka Jarmalka iyo Belgium.
Waxaa garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka Robert Kibochi, taliyaha guud ee booliiska Japhet Koome iyo mas’uuliyiin kale.
Gachagua ayaa qoraal ku sheegay in safarka madaxweyne Ruto ee labada dal uu ahaa mid shaqo oo guul ku soo dhammaaday.
This morning, I welcomed our President, H.E. @WilliamsRuto back home after a successful working tour of Germany and Belgium. pic.twitter.com/be7Mss62WX
— Rigathi Gachagua (@rigathi) March 30, 2023
Madaxweynaha dalka ayaa galinka dambe ee maanta furi doono shirka rugta ganacsiga ee Maraykanka oo lagu qabanaya magaalada Nairobi.
Dhanka kale dowladda Kenya iyo guddiga Midowga Yurub ayaa waxaa u socdo wada hadal ku aaddan dhisidda marinkii ugu horreeyay bariga Afrika ee ay adeegsan doonaan basaska elektoronigga ah.
Heshiiskan ayaa la gaaray ka dib markii ay magaalada Brussels ee dalka Belgium ku kulmeen madaxweyne William Ruto iyo madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula Von DeLeyen.
Waxaa heshiiska wada saxiixay wasiirka wasaaradda waddooyinka iyo gaadiidka ee dalka Kipchumba Murkomen iyo guddoomiyaha Midowga Yurub u qaabilsan iskaashiyada caalamiga ah Jutta Urpilainen.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhinacyo ay ka wada shaqeyn karaan sida ganacsiga iyo maalgashiga,wax ka qabashada isbeddelka cimillada , caafimaadka iyo tiknolojiyadda.