Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maraykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Maraykanka oo safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u magacaabay Richard H. Riley inuu noqdo safiirka cusub ee Maraykanka ku matali doono Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo wadankaasi.
Safiirka cusub ee Soomaaliya loo magacaabay ayaa haatan xil sare ka haya wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaraddeeda ee dalka Canada.
Richard H. Riley ayaa horay uga soo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afghanistan, Ciraaq, UK, Shiinaaha, Ruushka iyo Yemen.
Danjiraha cusub ayaa beddelaya safiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments