Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamada ilaaliya xarunta lagu dhaqan celiyo Al-Shabaab oo ka cabanaya mushaar la'aan

Ciidamada ilaaliya xarunta lagu dhaqan celiyo Al-Shabaab oo ka cabanaya mushaar la’aan

Ciidamada qaabilsan amniga xarunta lagu dhaqanceliyo dadka ka soo goosta Al-Shabaab, ayaa ka cabanaya mushaar la’aan dhowr bilood ah.
Askari ka tirsan ciidankan oo la xiriiray idaacadda laanta afka soomaaliga ee VOA-da, ayaa sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeysay aynan qaadan wax mushahaar ah.
Waxaa uu sheegay inay ilaaliyaan amniga ugu yaraan 250 qof oo ka soo goostay Al-Shabaab, kuwaas oo ku jira xerada Sarendi oo ku taalla magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan ayaa xusay in hay’adda gacanta ku haysa xaruntan inay ku wargelisay in aynan mushaar u haynin sanadkan cusub.
Dhanka kale, wasiirru dowlaha amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamad Cali Xagaa ayaa sheegay inuu jiro heshiis dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo hay’adda.
Wasiirru dowlaha ayaa sheegay in lagu heshiiyay in dowladdu si tartiib tartiib ah ula wareegto xarumaha dhaqancelinta Al-Shabaab.
Waxaa uu intaasi ku daray in mushaarka ciidamada cabanaya uu dib u billaabanayo bishan Maarso.
Wasiirka ayaa sheegay in arrintaasi heshiis ay ka gaareen dowladda Soomaaliya iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments