Cabdirashiid Janan oo Muqdisho gaaray

0
529

Wasiirkii amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa galabta gaaray magaalada Muqdisho.
Wasiir Janan oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu mari doono hanaann la doonaayo in looga saaro eedeymaha kala duwan ee loo heysto.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Janan oo tiir muhiim ah u ahaa nabadda gobolka Gedo horayna waxaa loogu eedeeyay in uu wada shaqeyn la lahaa dowladda Kenya.
Waxaa sidoo kale horaan lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bina’aadanimada.