Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Xildhibaan Sambaloolshe oo dhaliilay qorshaha wajiga 2-aad ee la dagaalanka Shabaab iyo...

Xildhibaan Sambaloolshe oo dhaliilay qorshaha wajiga 2-aad ee la dagaalanka Shabaab iyo wasiirka difaaca oo ka jawaabay eedeyntaasi

Iyadoo dowladda Soomaaliya ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee ku aadan inay billowdo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ayaa haddana waxaa soo baxaya dhaliilo ku aadan hannaanka dowladda u wajaheyso wajiga labaad ee howlgalka.
Taliyahii hore ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Maxamad Cali Sambaloolshe ayaa si adag u dhaliilay hannaanka ay qorsheyneyso dowladda inay ku wajahdo wajiga labaad ee dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xildhibaan Sambaloolshe ayaa sheegay in dowladda ay beddelayso istaraatiijiyadii dagaalkii hore ee looga guuleestay kooxda Al-Shabaab oo ahayd in shacabka laga horgeeyay, hayeeshee haatan dowladda ay wado qorshe ah in ciidanka dowladda kaliya ay hoggaamiyaan wajiga labaad ee howlgalka, isagoona sheegay in sidaasi wajiga labaad looga guuleeysan karin dagaalka Al-shabaab.
“Dagaalkan waxaa u weyna ee guushiisa keenay waa in Shacabka iyo Shabaab la iska horkeenay, dagaalka marka dowladda hogaamineyso dib u dhac iyo jab ayaa ka imaada, marka dadka hoggaaminayo horumar iyo guulo ayaa ka imaada, Waa muhiim doorka dadka, askarta keligood ma guuleysan karaan, dadkana kaligood ma guuleysan karaan ee waxaa soo baxay marka la wada socdo ayaa la guuleysanaya, meesha waxaa timid wax la dhaho islajaanqaad oo dadweynihii deegaanka, beeshii caalamka iyo ciidankii dowladda ayaa islajaanqaaday oo haddii mid maqan tahay inta kale ma guuleysan karto” ayuu yiri Xildhibaan Sambaloolshe
Hadalkan ka soo yeeray Xildhibaan Sambaloolshe ayaa imaanaya, iyadoo aad loo hadal haayo Wajiga labaad ee duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ay qorsheyneyso dowladda inay ku qaado kooxdaasi.
Dhanka kale wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamad Nuur Jaamac oo u muuqday inuu ka jawaabayo eedeynta Sambaloolshe u jeediyay dowladda ayaa sheegay in diyaargarow iyo dib u xorreyn ay ka socdaan deegaanada Hirshabeelle, Galmudug iyo deegaano kale, islamarkaana dhawaan uu dalka uu ka billaabanayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
“Deegaan waliba oo la xorreynaayo dadkiisa waan ka talogelinaa, waanan la tashanaa, cid waliba inta ka quseysa waa ka qayb qaadataa, ma jirto cid laga tagayo, Hadda waxaan rajeynaynaa in inta harsan nagala qayb qaataan, cid walba oo naga gacan siineysa dagaalka ka dhanka ah Shabaab way nagala qayb qaadaneysa” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamad Nuur Jaamac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments