Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Puntland: 387 kun oo qof oo isu diiwaangeliyay doorashada qof iyo cod...

Puntland: 387 kun oo qof oo isu diiwaangeliyay doorashada qof iyo cod ee dowladaha hoose

Puntland ayaa siidaysay liiska rasmiga ee codbixiyaasha doorashooyinka dowladaha hoose sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka maamulkaasi.
387,094 qof ayaa lagu sheegay tirada saxda ah ee iska diiwaangelisay 37 degmo oo hoos yimaada 7 gobol oo ka tirsan maamulka Puntland.
Gobolka Mudug ayaa ah gobolka ugu badan ee dadku iska diiwaangaliyeen, waxaana isdiiwaangeliyay codbixiyaal dhan boqol kun oo qof.
Doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa la qorsheeyay dhamaadka bisha Shanaad ee May ee sanadkan.
Walow siyaasiyiin badan iyo qaar ka mid ah ururrada siyaaaddu ay ka soo horjeedaan, iyagoo u arka qorshaha muddo kororsi ee madaxweyne Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments