Qoraal ka soo baxay aqalka madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sidatan u qornaa:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur galaya xaalada deeganadii laga xoreeyay Khawaarijta ayaa soo gaaray degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe .
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabeelle mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo bulshada degmada Aadan-yabaal uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen ciidamada Qaranka ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada kale ee laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab, si degdeg ah loo gaarsiinayo adeegyada aasaasiga ah isaga oo sidoo kale ka dalbaday bulshada deegaanka in ay ka hortagaan in deegaanka lagu dhibaateeyo dadka socotada ah.
Dhankale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka oo uu ku bogaadiyay guulaha ay kasoo hooyeen dagaalka Khawaarijta isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.
Pres. @HassanSMohamud visited the recently liberated Adan Yabal district, underscoring commitment to stabilization and essential public services. He praised the SNA's accomplishments and called preparations for the second phase of operations in the fight against Al-Shabaab. pic.twitter.com/MuJRoVf1lP
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) March 26, 2023