Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Iran iyo Syria oo cambaareeyay weerarro uu gaystay Maraykanka

Iran iyo Syria oo cambaareeyay weerarro uu gaystay Maraykanka

Dowladaha Iiraan iyo Syria ayaa cambaareeyay weerarro uu Maraykanka ka fuliyey gudaha dalka Syria oo lagu dilay 19 ruux.
Duqeymahan dhinaca cirka ah ayaa lagu bartilmaameedsaday gobolka Deir ez-Zor ee Syria oo xiga dhanka xadka Ciraaq.
Xukuumadda Washington ayaa tallabadan ku tilmaantay mid looga falcelinayay weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala eegtay ciidamada Maraykanka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Iiraan Nasser Kanani oo bayaan soo saaraya ayaa howlgallada la fuliyey ku tilmaamay falal argagixiso.
Waxaa uu sheegay in weerarrada ay ahaayeen xadgudub ka dhan ah xeerarka caalamiga iyo madax bannaanida Syria.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Syria ayaa dhankeeda sheegtay in weerarrada ay ahaayeen kuwo arxaan darro laga dheehan karo oo dad badan lagu dilay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments