Madaxweynaha DRC oo isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada

0
225

Madaxweynaha jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC Felix Tshisekedi ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada.
Waxaa uu wasiirka wasaaradda difaaca u magacaabay madaxweyne ku xigeenkii hore ee DRC Jean-Pierre Bemba oo muddo 10 sano ah loo xiray dembiyo dagaal.
Tshisekedi ayaa wasiirka wasaaradda dhaqaalaha u magacaabay Vital Kamerhe oo horay u soo noqday madaxa shaqaalaha madaxtooyada.
Nicolas Kazadi ayaan laga wareejin xilkiisi wasiirka maaliyadda.
Golaha wasiirrada Congo ayaa ka kooban 57 xubnood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here