Waxaa lagu soo warramayaa in la la’yahay labo sarkaal oo booliis ah iyo sarkaal ka tirsan maamulka canshuuraha wadanka ee KRA, ka dib markii dooni sidday ay kula degtay harada Victoria ee gobolka Nyanza.
Magacyada saraakiishan ayaa lagu kala sheegay Anderson Wendot, Onesmus Githinji iyo Joseph Jillo .
Booliiska ayaa sheegay in askarta la la’yahay ay qayb ka ahaayeen koox ka kooban 8 sarkaal oo laga soo kala xulay booliiska caadiga iyo kuwa badda kuwaas oo howlgal wadajir ah ka waday harada Victoria gaar ahaan xeebta Mugaabo.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay abaare saqdii dhexe ee xalay.
Booliiska ayaa sidoo kale laga soo xigtay in shan sarkaal oo kale la soo badbaadiyay dhacdadan ka dib.
Waxaa haatan socda dadaallada samatabixinta ee lagu badbaadinayo askarta maqan.
Saddex qori oo nooca AK 47 ah oo midkiiba 30 xabbo oo rasaas ah ay ku jiraan ayaa sidoo kale maqan.