DCI oo ku raad joogto dad rabshad sameeyay Isniintii la soo dhaafay

0
292

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay inay guda gashay baaritaano ku aaddan rabshado la soo tabiyay inay ka dhaceen qaybo ka mid ah wadanka 20-kii bishan xilli siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio iyo taageerayaashooda ay dhigayeen dibadbaxyo.
Qoraal ay waaxdu soo dhigtay barteeda rasmiga ee Facebook-ga ayay ku sheegtay in rabshadaha ay gaysteen kooxo dambiilayaal ah.
Waxaa qoraalka ku cad in dadkan oo ka faa’iidaysanaya dibadbaxyada ay gaysteen burbur hantiyadeed sidoo kalena ay weerareen xubno ka mid ah bulshada oo aan waxba galabsan.
DCI-da ayaa intaasi ku dartay in aan weli la cayimin qiimaha hantida la burburiyey.
Waaxda dambi baarista ee dalka ayaa laga soo xigtay in maalinkaasi ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 33 sarkaal oo ka mid ah ciidamada ammaanka.
Dhaawacyada qaar ayaa weli lagu dabiibaya xarumaha caafimaad.
DCI-da ayaa sheegtay in hal askari uu qorigiisi lumiyey ka dib markii ay weerartay koox isa soo abaabushay xilli uu sarkaalka ku sugnaa xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi.
Waaxda oo soo saartay sawirrada eedeysanayaal laga dhex arkay muuqaallo la duubay iyagoo dhibaatooyin gaysanaya ayaa ku amartay inay ugu dambeyn 5-ta galabnimo ee maanta iska xaadiriyaan xarunta dhexe ee DCI-da ama saldhigga booliiska ee ugu dhow si loo guda galo tallaabada xigta.
Sidoo kale waxay waaxdu dadweynaha ku wargelisay inay xuquuq u leeyihiin isku imaatin iyo muujinta tabashooyinkooda balse aanan marnaba loo oggolayn inay ku xadgudbaan xuquuqda kenyaanka kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here