Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha oo Raila ugu baaqay inuunan shacabka dhibaatayn oo uu isaga toos...

DHAGEYSO:Madaxweynaha oo Raila ugu baaqay inuunan shacabka dhibaatayn oo uu isaga toos u wajaho

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ugu baaqay in haddii uu cabasho qabo uu isaga si toos ah u wajaho halkii uu shacabka Kenyaanka ah ku dhibaatayn lahaa dibadbaxyada aan loo baahnayn ee uu qorsheeyay ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka.
William Ruto oo maanta hadal ka jeediyay deegaanka Kitutu Chache ee ismaamulka Kisii ayaa Mr. Odinga ku boorriyey inuu joojiyo carqaladeynta howlaha Kenyaanka.
Madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in qorshaha mucaaradka ee mudaaharaadyada aysan waxba soo kordhin doonin balse ay keliya khalkhal gelinayaan dhaqaalaha dalka.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa ku celceliyay inuu diyaar u yahay la shaqeeynta dhaammaan madaxda la soo doortay

Madaxweynaha ayaa horraan sheegay in aan marnaba loo dul qaadan karin waxa uu ku tilmaamay ‘argagixisada dhaqaale’.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga iyo xulafadiisa ayaa isku diyaarinaya inay guud ahaan wadanka ka sameeyaan mudaaharaadyo maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee toddobaadka dambe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments