Gudiga Amniga Qaranka Soomaaliya oo hortagaya shirka Afisyooni

0
813

Shirka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliy Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Xuluumadda Xukuumada Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maalintii Afaraad ka socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaana looga hadlaya arimo la xiriira doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Shirka oo bilaabmay maalintii isniintii ee aan ka soo gudubnay ayaa maanta oo khamiis ah galaya maalintii Afraad, waxay madaxdu shalay ka doodeen is afgaradkii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ay Guddiga farsamada arrimaha doorashooyinku soo gudbiyeen.
Ajendayaasha kulanka maanta ayaa waxaa ugu muhiimsan, Sugidda Amniga Doorashooyinka, balse marka hore warbixin arintaasi ku saabsan waxa laga dhagaysan doonaa Guddiga Amniga Qaranka oo shirka hortagaya.
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayana kulanka qeyb ka aheyn, waxaana xeendaabka Xerada Xalane ay ka wadaan kulamo kale oo siyaasadeed.