DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay 3,000 oo Al-Shabaab ah

0
317

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamad Nuur ayaa khudbad uu xalay jeediyay ka sheegay in wajiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-Shabaab ah.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale ku dhawaad 3,700 oo kale looga dhaawacay dagaallo ka dhacay deegaanno ka tirsan maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in u jeedka ugu weyn ee howlgalkan uu ahaa in la isku furo degmooyinka wadanka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in waddada isku xirta Muqdisho iyo Gaalkacyo oo 575 kiilomitir ah ka mid tahay waddooyinka sida caadiga hadda loogu safri karo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab markii uu mar labaad ku soo noqday madaxtooyada bishii Shanaad ee May ee sanadkii hore.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay inuu diyaariyay qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab intii uu ka maqnaa xukunka dalka Soomaaliya.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo taageero ka helay kuwa deegaanka ee macawisleyda iyo kuwa saaxiibbada caalamka oo ay ku jiraan duuqeymo dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada AFRICOM ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Hirshabeelle iyo Galmudug.