Shacabka ku nool degmada Loruk ee ismaamulka Baringo ayaa cabasho ka muujiyay fal dhawaan saddex qof lagu dilay.
Waxay dadweynaha sameeyeen bannaanbax ay waddooyinka ku xireen iyagoo doonaya in dowladda dhexe ay xalliso falalka amni darro ee halkaasi ku soo noqnoqday.
Taliye ku xigeenka booliiska dalka Nuur Gaabow oo degmadaasi socdaal ku marayay ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan isagoo u ballanqaaday in la xallinaya tabashooyinkooda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in albaabada la isugu dhuftay 10 ka mid ah dugsiyada ismaamulka Baringo amni darro halkaasi ka jirta awgeed.