Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dad ku dhintay daadad ku soo rogmaday Baardheere

Dad ku dhintay daadad ku soo rogmaday Baardheere

Warrarka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ugu yaraan sagaal qof ay dhinteen ka dib markii uu la tagay daad ka soo rogmaday tog ku yaalla degmada Baardheere, sida ay warbaahinta ka soo xigtay maamulka deegaanka.
Daadka soo rogmaday ayaa ka dhashay roobbab maahigaan ah oo xalay dhowr saacadood oo xiriir ah ka da’ayay magaalada Baardheere iyo nawaaxigeeda.
Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay daaddadka magaalada ku soo rogmaday, iyadoo 3 qof oo kalena wali lagu la’yahay togga ay ku dhaceen.
Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Gedo waxa xalay ka da’ay roobka guga, kaasoo dadka iyo duunyaduba ku diirsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments