Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Arday dhiganayay jaamacadda Maseno oo ku dhintay dibadbaxyadii shalay

Arday dhiganayay jaamacadda Maseno oo ku dhintay dibadbaxyadii shalay

Waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah ardayda jaamacadda Maseno lagu dilay dibadbaxyadii ay shalay siyaasiyiinta mucaaradka iyo taageerayaashooda ay ka sameeyeen qaar ka mid ah ismaamullada dalka.
Booliiska magaalada Maseno ee galbeedka wadanka ayaa xaqiijiyey geerida ardayga.
Waxaa uu ku nafwaayey iskudhac dhex maray ciidamada ammaanka iyo dibadbaxayaasha.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha ammaanka ay adeegsadeen rasaas iyagoo ka falcelinayey dhagaxaan ay ku soo tuurayeen dibadbaxayaasha.
Booliiska ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ardayda isku dhaca ku dhintay lagu magacaabi jiray William Mayange.
Bayaanka waxaa ku cad in ardayga laga toogtay qoorta ka dibna loola cararay isbitaalka Coptic Hospital halkaasi oo uu ku geeriyooday.
Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inay Isniin kasta mudaaharaad sameyn doonaan ilaa iyo inta dowladda dhexe ay hoos uga dhigaysa qiimaha sarreeya ee maciishadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments