Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo saaka xukun dil ah ku...

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo saaka xukun dil ah ku fulisay labo nin

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Xuseen Maxamad Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur.
Toogashadan ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo. Mid kamid ah labada nin ayaa hore u dilay xaaskiisa halka kan kale uu Dilay askari ka tirsan Boliiska.
Labadan nin ayaa horey heerarka kala duwan ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ugu ridaeen xukunno dil ah, kadib markii lagu helay dambiyada ay galeen, dilka saakayna wuxuu yahay qisaasta dadkii ay dileen.
Illaa bishii febraayo, in ka badan xukumane oo isugu jiray Shabaab iyo askar katirsan ciidanka ayaa lagu fuliyay xukunno dil ah.
Xukunkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa saddex nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo uu kamid ahaa Dr Fanax, waxaana la toogtay todobaadkii hore.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, gaashaanle sare Shuute, ayaa sheegay in maxkmaadda ciidamada ay ka go’an tahay inay fulisay xukunnada toogashada ah marka ay dhameystaan habraacooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments