Madaxa ururka qareennada dalka ee LSK Eric Theuri ayaa wacad ku maray inay maxkamadda u gubin doonaan dacwad ay uga soo horjeedaan tallaabadii uu dhawaan madaxweynaha wadanka William Ruto uu ku soo magacaabay 50 xoghayeyaal sare ah.
Waxaa uu Theuri hoosta ka xarriiqay in tiradan ay ka sarreyso intii uu codsaday ee loo oggolaaday guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Madaxa qareennada dalka ayaa soo jeediyay in dhaqaalaha ku baxaya musharaadka iyo howlaha xafiisyada xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe la doonayo in loo weeciyo wax ka qabashada saameynta abaarta.
LSK ayaa ku doodaysa in madaxweynaha dalka uu baal maray dastuurka maadaama uu kordhiyay tiradii xilalka CAS ee ahayd 23 .