Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Faahfaahin: Shirka wadatashiga qaran oo maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo

Faahfaahin: Shirka wadatashiga qaran oo maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee diirrada lagu saarayo waxay yihiin amniga, gaar ahaan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamad, ayaa sheegay inay madaxdu ka wada tashanayaan habka loo wajahayo in Shabaab laga xoreeyo deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Xasan Cabdulkaadir Maxamad oo wax laga weydiiyay maqnaanshaha Puntland ee shirka, ayaa sheegay inay Puntland shirka wadatashiga uga maqan tahay arrimo farsamo iyo daruufo u gaar ah.
Waxaa uu sheegay in wax shirka ka soo baxa in aysan noqon doonin wax Puntland dhibaato ku ah, isagoo sheegay in madaxdu iska war qabaan oo uusan jirin wax weyn oo lagu kala fog yahay.
“Run ahaantii mararka qaarkii waa iska dhici kartaa in maamul maqan yahay, daruufo gaar ah oo haysto owgeed, arka madaxdu waa iska waraqabaan, way wada xiriiraan, waxaan is leeyahay wax isla ogyahay oo madaxtooyada iyo maamul goboleedyada isla ogyihiin baa soo bixidoona.” ayuu yiri wasiirku.
Puntland ayaa horay u sheegtay in aysan ka qaybgeli doonin shirarka wadatashiga qaran, iyadoo sheegtay in ay si madax bannaan dowladda federalka ugala xaajoon doonto arrimaheeda u gaarka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments