Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr.Alfred Mutua ayaa waddamada xubnaha ka ah dalladda barwaaqa-sooranka ee loo yaqaano Commonwealth ugu baaqay inay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsi.
Waxaa uu sheegay in caqabadahan ay xaddiidaan dhaqdhaqaaqa badeecooyinka iyo isku socodka shacabka dalalka kala duwan.
War saxaafadeed uu Mutua soo saaray ayuu ku sheegay in Kenya ay ka go’an tahay wanaajinta jawiga ganacsi ee kala dhexeya waddamada kale ee caalamka.
Meeting the Kenyan Community Chairpersons Council (UK) (KCCC-UK) where we discussed various issues of interest.https://t.co/RMSj3KMp5z
— Dr. Alfred N. Mutua (@DrAlfredMutua) March 17, 2023