Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddoomiyaha aqalka sare oo ansixiyey isbeddello uu sameeyay isbeheysiga Azimio

Guddoomiyaha aqalka sare oo ansixiyey isbeddello uu sameeyay isbeheysiga Azimio

Guddoomiyaha aqalka sare Amason Kingi ayaa si rasmi ah u ansixiyey isbeddello uu horay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ugu sameeyay hoggaamiyaasha ku matalo senate-ka dalka.
Senatarka ismaamulka Narok Ledama Ole Kina ayaa noqday madaxa garabka mucaaradka u qaabilsan dhanka nidaamka ee aqalka sare.
Waxaa xilkan haysay oo laga xayuubiyay senatarka dowlad deegaanka Isiolo Fatuma Dullo.
Isbeheysiga Azimio ayaa tallaabadan qaaday ka dib markii Fatuma Dullo oo ka tirsan xisbiga Jubilee lagu eedeyay inaynan daacad u ahayn mucaaradka.
Waxay ka mid ahayd 30 siyaasi oo ballanqaaday inay taageerayaan maamulka madaxweyne William Ruto oo uu hoggaamiyaha Azimio Raila Odinga ku adkeysanaya inuunan si caddaalad ah ugu guulaysan xilka madaxtinnimo.
Bartamihii bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka sare Stewart Madzayo uu isbeddelladan ku wargeliyay guddoomiyaha golaha.
Dib u dhaca ku yimid go’aanka Amason Kingi ayaa loo aaneeyay isqabqabsi iyo dood dheer oo arrinkan la xiriirtay.
Hasa ahaate guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi ayaa ugu dambeyn shaaciyay inuu xaqiijiyay dokumeentiyada lala wadaagay xafiiskiisa sidaasi awgeedna uu ansixiyay isbeddellada oo uu sheegay inay si degdeg ah u dhaqan galayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments