Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Ukur Yatani iyo madaxii hore ee shaqaalaha dowladda Joseph Kinyua ayaa looga yeeray baarlamaanka.
Waxaa labaduba laga doonaya inay faahfaahin ka bixiyaan lacag dhan 6 bilyan oo shilin oo la sheegay in dowladda ay ku bixisay shirkadda isgaarsiinta ee Telkom .
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah xubnaha guddiga iskudhafka ee maaliyadda iyo isgaarsiinta ay dalbadeen in sidoo kale loo yeero wasiirkii hore ee isgaarsiinta Joe Mucheru si isna arrintan wax looga waydiiyo.
Waxaa sidoo kale guddiga ka soo hormuuqan doono xoghayihii wasaaradda maaliyadda Julius Muia iyo guddoomiyaha guddiga maamulo shirkadda Telkom Kenya Eddy Njoroge.