Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa 50 qof u soo magacaabay inay noqdaan xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe.
Shakhsiyaadkan ayaa isugu jiro siyaasiyiin sanadkii hore loogaga adkaaday doorashadii guud ee bishii Siddeedaad , hoggaamiyaal hore iyo xubno daacad u ah xisbiga madaxweynaha ee UDA.
Madaxweynaha ayaa Dennis Itumbi u magacaabay xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda isgaarsiinta , Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Evans Kidero ayaa loo magacaabay xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda ganacsiga,Milicent Omanga(Wasaaradda arrimaha gudaha)Canab Maxamad Guure(Waxbarashada) iyo xubno kale.
Waxaa magacaabiddan shaaca ka qaaday madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada dalka sidoo kalena ah madaxa adeegga dadweynaha Felix Koskei.