Yasmiin Axmad Ibraahim Barre waa gabadh ka soo jeedo ismaamulka Wajeer oo muddo raadinaysay aabaheed oo ay hooyadeed kala tageen sanadkii 2001-dii.
Maanta ayay noogu timid xarunta dhexe ee idaacadda ee magaalada Nairobi waxayna inoo sheegtay inay aad ula murugaysan tahay maqnaanshaha aabaheed.
Yasmiin ayaa cid kasta oo meel ku og aabaheed iyo dadkiisa ka codsatay inay la soo xiriirto si ay ula midowdo.