Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Guddoomiyaasha ismaamullada oo kalkaaliyaasha ugu baaqay inay shaqo joojinta soo afjaraan

Guddoomiyaasha ismaamullada oo kalkaaliyaasha ugu baaqay inay shaqo joojinta soo afjaraan

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee (CoG) ayaa kalkaaliyaasha iyo dhakhaatiirta bixiya daawooyinka ee shaqo joojinta ku guda jiray 37 cisho ka codsaday inay dib ugu laabtaan isbitaalladii ay ka howlgalayeen.
Guddoomiyaha CoG ahna madaxa ismaamulka Kakamega Mr.Wycliffe Oparanya ayaa sheegay in shaqo joojinta howlwadeenada caafimaadka ay sharci darro tahay.
Waxaa uu xusay in saraakiishan laga doonayo inay fursad siiyaan wada-hadallada lagu xallinaya tabashooyinka ay qabaan.
Mr. Oparanya ayaa carrabka ku adkeeyay in dhammaan 47-da dowlad deegaan ee wadanka ka jiro ay diyaar u yihiin inay heshiis la saxiixdaan mas’uuliyiinta ururrada KNUN iyo KUCO.
Sidoo kale barasaabyada ayaa wacad ku maray in saraakiisha caafimaadka ee gadoodsan shaqada laga eryi doono hadii sida ugu dhaqsiyaha badan aynan tallaabadan u soo afjarin.
Oparanya ayaa ku nuuxnuuxsaday inay isku dayeen qaab kasta oo ay kula heshiin karaan dhakhaatiirta wuxuuna ku goodiyay in la faafin doono magacyada saraakiisha shaqo joojinta ku guda jiro si mar dambe aynan u shaqeyn.
Guddoomiyaha ayaa xusay in sanadkii 2017-kii ismaamullada dalka ay lacag dhan 5.4 bilyan oo shilin ku bixiyeen lacagaha gunnooyinka ee la siiyo howlwadeenada caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments