Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Shirka golaha wadatashiga qaran oo maanta ka furmaya magaalada Baydhabo iyo Puntland...

Shirka golaha wadatashiga qaran oo maanta ka furmaya magaalada Baydhabo iyo Puntland oo aan ka qaybgaleyn

Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay inuu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhexeya madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa maamul goboleedyada dalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.
Baydhabo waxaa haatan ku sugan oo Shalay wada gaaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyadoo saacadaha soo socda ee Maanta lagu wado in madaxweynaha Jubbaland uu tagi doono Baydhabo.
Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay inuusan ka qaybgaleyn Shirkan Maanta golaha wadatashiga qaran uga furmaya Baydhabo, kaas oo horay u shaaciyay in maamulkiisa uu u dhaqmayo sidii dowlad madax banaan oo kale, wuxuuna haatan ku sugan yahay madaxweyne Deni dalka Itoobiya.
Shirkan ayaa madaxda wadatashiga qaran waxay kaga hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, la dagaalanka Al-Shabaab, ammaanka dalka, Siyaasadda iyo arrimaha dhaqaalaha, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.
Kulankan golaha wadatashiga qaran ayaa noqonaya kii 5-aad ee dhexmara tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud 15-kii bishii Shanaad ee May ee sanadkii hore, waxaana gabagabada shirka madaxdu soo saari doonaan War murtiyeed la xiriira waxyaabaha looga hadlay shirka wadatashiga Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments