Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Malawi oo looga dhawaaqay baroordiiq qaran

Malawi oo looga dhawaaqay baroordiiq qaran

Madaxweynaha wadanka Malawi Lazarus Chakwera ayaa ku dhawaaqay baroordiiq qaran oo dalkaasi ka jiraya muddo labo toddobaad ah.
Tani ayaa timid ka dib markii in ka badan 200 oo ruux ay ku dhinteen duufaanta Freddy.
Hoggaamiyaha Malawi ayaa khudbad qaran oo uu jeediyay ku sheegay in marka la eego baaxadda khasaaraha ka dhashay duufaanta uu amray in la billaabo baroordiiq iyadoo 7-da cishe ee ugu soo horreeya hoos loo dhigaya calanka dalkaasi.
Gudaha Malawi waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 225 qof, waxaa dhaawacmay boqolaal kale halka 41 ruux weli la la’yahay iyadoo la soo tabiyay fatahaado iyo dhul go’.
Madaxweyne Lazarus Chakwera ayaa sidoo kale xusay in golaha wasiirrada oo kulan yeeshay ay si degdeg ah u ansixiyeen in la soo saaro lacag u dhiganta 1.5 milyan oo doolar si loogu caawiyo tobanaanka kun ee ka mid ah shacabka Malawi ee ay duufaantu saameysay.
Musiibadan ayaa ah midii saddexaad ee Malawi saameysay 13 bilood gudahooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments