Gabadh diiday inuu guursado nin waxbarasho ka soo bixiyay oo la ganaaxay

0
362

Garsoore ka howlgalo maxkamad ku taalla magaalada Kanungu ee dalka Uganda ayaa dhinac iskaga dhigay codsi ay gudbisay gabadh lagu ganaaxay lacag dhan 348,000 oo shilin ka dib markii ay guur ka diiday nin ka soo bixiyay qarashaadka waxbarashada.
Fortunate Kyarikunda ayaa ku gacan seyrtay ballanqaad ay sanadkii 2018-kii u sameysay Mr. Richard Tumwine oo macallin ah.
Waxaa uu xilligaasi ka bixiyay qarashaadka lagu barto culuunta sharciga iyagoo guur ku heshiiyay in kastoo ay ballantaasi ka baxday taasoo keentay inuu dacwad ka gudbiyo.
Ganaaxa lacageed ayaa la saaray bishii hore waxaana go’aankaasi sii ayiday garsoore Asanasio Mukobi.
Qareennada matalayay Ms Kyarikunda ayaa sheegay inaynan ku qancin go’aanka maxkamadda oo ay racfaan qaadanayaan.