Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ayaa walaac ka muujiyay in wasaaradda maaliyadda aynan xilliga habboon dowlad deegaannada ku wareejin lacagaha loo qoondeeyo.
Guddoomiyaha golahan , Anne Waiguru ayaa sheegtay in intii u dhexeysay bishii 12-aad ee sanadkii hore ilaa bishii Labaad ee sanadkan uunan jirin ismaamul miisaaniyad la siiyay.
Warqad ay Waiguru u qortay wasiirka maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u, ayay ku sheegtay in lacagaha dowlad deegaannada ka maqan ay yihiin 92.5 bilyan oo shilin.
Waxay intaasi ku dartay in dhaqaalahan oo aan ismaamullada xilliga loogu talagalay lagu wareejin ay hakad gelisay howlaha sida bixinta mushaaraadka ,qandaraasyada iyo adeegyada muhiimka ee loo fidiyo bulshada.
Guddoomiyaha CoG ayaa wasiirka maaliyadda ku boorrisay inuu si degdeg ah dowlad deegaannada ugu wareejiyo miisaaniyadooda.