Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay saraakiil ciidan iyo dhakhtar...

Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay saraakiil ciidan iyo dhakhtar been abuur ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa.
1-Maxamad Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).
2-Shariif Maxamad Barqadle Ayaanle (Jeego).
3- Maxamad Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax).
Sida ay maxkamaddu sheegtay saddexdan nin waxay kala ahaayeen labo sarkaal oo hay’adaha amniga ee dowladda ka tisanaa, balse u xuubsiibtay Al-Shabaab iyo mid ku shaqeysanayay darajada sarkaal iyo dhakhtar been abuur ah.
Raggaan ayaa mas’uul ka ahaa qaraxyo waaweyn oo dad badani ku dhinteen oo badi Muqdisho ka dhacay iyo dilal qorshaysan oo loo gaystay rayid ah iyo mas’uuliyiin dowladeed.
Hay’adaha amniga ee dowladda ayaa ku guulaystay inay raggaan soo qabtaan, iyagoo ku shaqeysanayay magaca ciidanka, Shabaabna u fududeeyay weerraro badan oo khasaare gaystay.
Dowladda ayaa u muuqata inay xukunkooda dadajisay toddobaadyo ka dib markii xukun dil ah lagu riday, lana soo bandhigay macluumaadkooda iyo dambiyada ay gaysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments