Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka lagu qaaday magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo siyaasiyiin reer Gedo ah ay ka wadeen qorshe dagaal oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Weerar is qarxin ah oo lagu qaaday guriga martida ee magaaladaasi waxa lagu dilay afar askari, waxana ku dhaawacmay dad ka badan toban qof oo uu ku jiro gudoomiyaha gobolka Gedo Axmad Buulle Gareed oo dhaawiciisa loo qaaday magaalada Muqdisho.
Dhanka kale weerar hoobiyayaal ah oo lagu qaaday magaalada waxa ku dhintay afar qof oo rayid ah.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.