Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay guriga martida ee degmada Baardheere

0
289

Wararka ka imaanaya degmada Bardheere ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka qarax lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga wadankaasi.
Mas’uuliyiinta halkaas ku sugnaa ayaa la sheegay inay la socdeen wafdi uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).
Ilaa hadda lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkaasi, balse xogaha laga helayo magaaladaasi ayaa sheegaya in isgaarsiinta ay go’an tahay.
Waxaa maalmahan siyaabo kala duwan looga hadlayay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Siyaasiyiinta abaabushay ciidankaasi oo ay hoggaaminayaan Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku doodaya in ciidanka uu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe.