Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay askar ka tirsanayd ciidanka...

Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay askar ka tirsanayd ciidanka booliiska

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay labo askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda.
Cabdi Shakuur Axmad Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabsullaahi oo kawada tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa lagu fuliyay xukun qisaas ah sida ay maxkamaddu sheegtay.
Cabdishakuur ayaa horay u dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska kawada tirsanaayeen, halka Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle uu isna dilay Cabdixakiin Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay.
Hay’adaha garsoorka dalka Soomaaliya ayaa muddoyinkii ugu dambeeyay dadajinayay caddaaladda ku fulinta dadka ku xukuman xukunnada dilka ah.
Saddex bilood ee ugu dambeeyay waxay dowladdu xukun qisaas ah ku fulisay tobaneeyo ka tirsan askarta dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda Alshabaab, oo dil ku xukumnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments