Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Tharaka Nithi waxaa uu sheegay in si khaldan loo fasiray hadal uu horay u jeediyay.
Mr. Gachagua ayaa maalmo ka hor xusay in maamulka dowladeed uu yahay sida shirkad .
Waxaa arrintaasi dhaliilay siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja -One Kenya, oo uu horkacayay Raila Odinga.
Hasa ahaate Gachagua ayaa maanta carrabka ku adkeeyay inuunan oran dowladda waa shirkad balse uu isbarbardhig sameynayay.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa sheegay in marnaba aynan dhici doonin in madaxweynaha dalka William Ruto uu maamulkiisa ku soo daro cid aan aqoonsanayn madaxtinnimadiisa sidoo kalena aan ku kalsoonayn qorshihiisa horumarineed.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo beeniyay inuu dowladda ku tilmaamay shirkad